Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kooxdii talada wadanka xooga kuhaysan jirtay ee TPLF ay bilaabeen xatooyo iyo daba goosi, iyagoo si muuqata ubililiqaysanaya hantidii umada iyo hantidii dowlada ee ay gacanta kuhayeen.

Sida xogta aan kuhelayno saraakiisha kooxda TPLF oo xidhan shaatiga ciidanka wayaanaha ayaa bilaabay in ay Gobolka Tigrey udaad gureeyaan raashin iyo qalab kale oo aad ubadan, waxaana lasheegayaa in qalabka magaalooyinka Itoobiya laga rarayo iyadoo la arko.

Kooxda TPLF oo dhamaan qalabkii muhiimka ahaa ee xukuumada wayaanuhu ay kushaqaynaysa horaan ugu daad guraysay Gobolka Tigrey, ayaa mar kale lasheegayaa in ay bilaabeen daba goosi si ay gacanta ugu dhigaan qalab kale oo muhiim ah.

Saraakiisha TPLF ayaa horay magaalada Maqale ugu raray hub aad ucul culus oo ay ugu talagaleen in ay kudifaacaan Gobolka Tigrey burburka Itoobiya kadib, Raadeelo iyo qalab kale oo ciidamada iyo shacabkaba muhiim u ah.

Dhinaca kale Arkabe Quba oo dhawaan loomagacaabay lataliyaha Raysal-wasaare kusheega cusub ee Itoobiya ayaa sheegay in uusan xilkaas kukalsoonayn isla markaana uusan qoomiyada Tigreega oo xilalkii xukuumada laga qadiyay kumatali doonin xil kusheega loomagacaabay.

Arkabe ayaa kamid ah saraakiisha sar sare ee TPLF waxaana lasheegayaa in xilkaas uusan qaban doonin isagoo sheegay in uu u adeegi doono qoomiyada xilalkii laga qadiyay ee Tigreega, taas oo u muuqata in uu dagaal iclaaminayo.

Sidoo kale war goor dhaw naga soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga ayaa sheegaya in uu qarax xoogan kadhacay gudaha magaalada, kaas oo sida muuqata lala beegsaday goob ay saraakiisha Tigreegu ku qaxweeyaan, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee halkaas kadhashay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay