Wararka naga soo gaadhaya magaalada Washington DC ayaa sheegaya kulan balaadhan oo ururka Ginbot 7 ugu soo dhamaaday magaalada iyo go’aamo taariikhi ah oo laga soo saaray.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa kulanka kasoo qayb galay madax iyo xubno aad ubadan oo Jabhada Ginbot 7 katirsan waxaana lasheegayaa in siwayn looga dooday xaaladaha cusub ee wadanka Gumaysiga Itoobiya kusoo kordhay iyo doorka ka urur ahaan ay ciyaari karaan.

Gudoomiyaha Jabhada Ginbot 7 Dr Berhanu Nega oo kulankan khudbad dheer kasoo jeediyay ayaa sheegay in balan qaadyada badan ee Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ay si taxadar leh ula socon doonaan isla markaana ay kadhur sugayaan halka ay kudhamaadaan.

Dr. Berhanu Nega oo hadalkiisa siiwatay auaa sheegay in ay doonayaan cadaalad iyo sinaan kadhacda wadanka iyo maroorsiga awooda oo la joojigo, wuxuuna intaas raaciyay in ay kadagaalamayaan cadaalad la’aanta baahsan ee wadanka kajirta.

Abiye Axmed oo dhawaan loomagacaabay Raysal-wasaaraha gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay in uu aas’aasay gudi kasoo shaqeeya wadahadalo baaxad leh oo wadanka kadhaca, kuwaas oo sida lasheegay jabhadaha gumaysiga ku kacsan sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 u aqoonsan doona Jabhado aan argagixiso ahayn taas oo xukuumadihii hore ay uyaqaaneen.

Iskusoo wada duub oo shacabka Soomaalida Ogadenia ayaan wali helin wax cadaalad u’eg waxayna shacabku wali kaqatan yihiin maxaabiista laga siidaayay xabsiyada Itoobiya iyo talaabooyinka uuqaaday Abiye Axmed.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay