Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ka tirsan oo lagu tooganayo badhtamaha magaalada Muqdisho. Isla kooxdan ayaa sidoo kale sheegatay in ay dhaawaceen askari kale oo ciidanka dowladda ka tirsan.

Hase yeeshee afhayeen ka tirsan booliiska Soomaaliya , Qaasim Axmed Rooble ayaa beeniyay sheegashada Daacish, wuxuuna yiri “Wax dil ah oo qorsheysan oo cadawga ka fuliyeen magaalada Muqdisho ma jiraan, dilal waa ka dhacaan, laakiin sida iyagu u hadlayaan waxbo uma jiraan”.

Inkasta oo Daacish aysan aad uga hawlgalin caasimadda si lamid ah Alshabaab, ayuu Afhayeenka booliiska sheegay in marar hore ay soo bandhigeen dad Daacish ka tirsan oo ay soo qabteen. Waxa ku cusub dhacdadan ayaa ah in lasoo duubay, lana soo bandhigay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay