Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ah oo mudo laba todobaad ah socday xubno cusub oo qayb ka noqon doona hawl wadeenada Wakaalada Wararka ee Ogadenya (ONA), xubnahan cusub ayaa waxay qaateen tababar dhinaca saxaafada ah.

Waxayna ka hawlgali doonaan warbaahinta kala duwan ee warfaafinta JWXO siminaarkan ayaa wuxuu isugu jiray noocyada kala duwan ee saxafaada.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu la dar daarmay xubnihii siminaarka qaatay asagoo kula daar daarmay in shaqada halganka ay u daacad noqdaan una diyaar garoobaan shaqada loo igmaday ee loosoo xushay waxaa sidoo kale fikiro kala duwan soo jeediyay xubnihii siminaarka qaatay ayagoo dhanka kale sheegay inay u diyaar yihiin shaqada halganka gaar ahaana dhinaca saxaafada.

Shirka ayaa ugu danbayntii waxaa lagu soo xidhay dar daaran waxaana hadalo kooban kusoo xidhay Agaasinka ONA oo dhamaan xubnihii siminaarka qaatay kula dar daarmay inay kaalin tooda kasoo dhalaalaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay