Wararka haatan naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan gobolka liibaan dagmada Doolo ado ayaa waxay sheegayaan in mudaaharaad balaadhan ka socda magaalada Doolo ado mudaaharaadkaas oo lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya iyo gacan yarayaashiisa.

Mudaahaaraadkan oo ahaa mid rabshado wata ayaa waxaa dhaawac soo gaadhay 5 qof oo shacab ah kadib markii ciidanka Woyaanaha maleeshiyaadka dhaaraanka u ah ee Hawaarinta ay xabad ku fareen dadkii mudaaharaadka waday.

Mudaharaadada lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya ayaa waxay kusii fidayaan dhamaanba gobolada Ogaadeniya oo dhan waxaana marba marka kasii danbaysa kasii daraysa xaalada kacdoonka shacabka Ogaadeniya ay wadaan.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin haynaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay