Donald Trump ayaa baajiyey shirkii heerkiisu sareeyey ee uu la qaadan lahaa taariikhda markii u horeysey Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un 12 June 2018, kaas oo ka dhici lahaa Singpore.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu Trump shaki weyn gelinayey in kulankaasi dhacayo. Sababta ugu weyn ayaa ah kuuriyada Waqooyi oo sheegtey in aan marna lagala hadli karin in ay dhiibto ama burburiso hubkeeda Nukliyeerka taas oo Trump marar dhawr jeer ah ku celiyey in uu doonayo in Nukliyeerka laga cidhib tiro gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale Maraykanka uga digtey in uu carqaladeeyo wada hadalka iyaga iyo Kuuriyada Koonfureed oo weji cusub u furmay kadib kulankii hoggaamiyasha Seul iyo Pyongyang. Trumo ayaa ku eedeeyey dalka Shiinuhu in ay wax ka beddeleen Kim Jong-Un safarkii 2aad ee uu ku tagey Bikiin.

Sida laga soo xiganayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo Kuuriyada Waqooyi jawaab kama soo bixin qoraalka Trump u direy ee uu ku baajiyey shirkii lawada sugaayey 12 June.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay