Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal xoogan oo dhex maray qoomiyadaha Axmaarada iyo Canfarta oo mudooyinkii lasoo dhaafay isku khilaafsanaa xuduuda udhaxaysa labada qoomiyadood.

Sida xogta aan kuhelayno xurgufta labada qoomiyadood ayaa siixoogaysatay kadib markii hogaanka sare ee wayaanuhu uu lakala saftay qoomiyadaha dariska ah ee Axmaarada iyo Canfarta, kuwaas oo mudo qarniyaal ah wadaagi jiray waxbadan.

Maamulka wayaanaha oo caan ku ah isku dirka qoomiyadaha ay gumaystaan ayaa bilihii lasoo dhaafay waday ol-ole xoogan oo ay ku abuurayaan dagaal qabiil oo kadhaca xuduuda udhaxaysa Qoomiyadaha Xabashida iyo Canfarta, wuxuuna hogaanka wayaanuhu doonayaa in uu kumashquuliyo shacabka dagaalo dhexdooda ah si uu uyaraado culayska dhinaca qoomiyadaha kaga imaanaya.

Sida aan lawada soconay taliska wayaanaha ayaa dagaal gacan kurimis ah kadhex huriyay Soomaalida iyo Oromada oo wadaaga xuduud aad udheer, waxaana dagaaladaas nasiib darada ah kudhintay dad aad ubadan waxaana sidoo kale kubaaba’day hanti aad ubadan oo dadka shacabka ah ay lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu talisku dagaalo kadhex huriyay Axmaarada iyo Oromada, Oromada iyo Shucuubta Koonfureed, Oromada iyo Canfarta iyo Axmaarada iyo Canfarta, waxayna arintanu kadambaysay kadib markii xukuumada wayaanaha aad loogu kacay taas oo talisku uu dan mooday in uu shacabka iska horgeeyo si culaysku uga yaraado.

Dhinaca kale khilaaf cusub ayaa laga soo sheegayaa saraakiisha sarsare ee ciidanka wayaanaha oo Tigree ubadan iyo saraakiishii hoose oo qoomiyadaha kale ubadan, waxaana lasheegayaa in khilaafku uu gaadhay xili aan lakala amar qaadanaynin isla markaana aan lawada hadlaynin.

Wixii warar ah ee soo kordha lasoco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay