Taliska ciidamada Mareykanka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano Africom ayaa sheegay in uu soconayo baadhitaan ku saabsan duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Muqdisho.

Duqeytan ayeey sheegeen in lagu bartilmaameedsaday dagaalameyaasha Al-shabaab’ isla markaana ay ku dileen dhowr iyo toban dagaalyahan oo Al- shabaab ah.

Weerarkan oo dhacay Arbacadii ina dhaaftay ee 23-kii bishan ayeey sheegeen saraakiisha Africom in ay baadhayaan in duqeyntaas dad rayid ah khasaaro ka soo gaadhay iyo in kale.

Taliska Africom ee Maraykanka ayaa horey loogu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dileen weeraro ay si wadajir ah uga fuliyeen dalka Soomaaliya ciidamada milatariga Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay