Ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ku dileen wiil shacab magaalada Qabri bayax oo kamida gobolka Faafan ee dalka Ogaadeniya wiilkan ayaa sida naloo xaqiijiyay waxaa lagu dhex dilay xabsi kuyaala magaalada Qabri Bayax waxaana nafta looga qaaday jidh dil loo gaystay wiilka.

Ciidanka dhaaraanka u ah taliska woyaanaha ee hawaarinta ayaa waxay mudooyinkii ugu danbeeyay wadaan xasuuq dil, xadhig iyo dhac isugu jira kaasooy ku hayaan shacabka aan is difaaci karin ee Soomaalida Ogaadeniya.

Alla ha h naxariisteee marxuumkan la dilay ayaa waxaa magaciisa naloogu sheegay Ibraahim Axmed Dayib waxaana saaka lagu aasay magaalada Qabri Bayax ee gobolka Faafan.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay