Wararka naga soo gaadhaya magaalada Naazireed ee xarunta Gobolka Oromia ayaa sheegaya in xabsiyada Gobolka Oromia laga siidaayay maxaabiis aad ubadan oo xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa u adeega ay horaan si sharci daro ah ugu xidh xidheen Gobolka.

Sida xogta aan kuhelayno wakiilka Gumaysiga ee Gobolka Oromia, Lama Magarsa ayaa sheegay in uu xabsiga kasiidaayay maxaabiis gaadhaysa 7611 maxbuus oo xabsiyada Oromia ku xidh xidhnaa, kuwaas oo intooda badan laqaqabtay mudadii ay kacdoonadii Oromadu socdeen.

Dhinaca kale xukuumada Gumaysiga ee fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa ayaa xabsiyada kasiidaysay dhowr kun oo maxbuus, kuwaas oo kuxidh xidhnaa xabsiyada ay maamulaan ciidanka gumaysigu, oo intooda badan kuyaala magaalada Addis Ababa iyo nawaaxigeeda. Dadka ay xukuumada wayaanuhu siidaysay waxaa kamid ahaa siyaasiyiin caan ah oo katirsanaa jabhadaha ladagaalama gumaysiga sida OLF oo kadagaalanta dhulka Oromada iyo Ginbot 7 oo kadagaalanta dhulka Axmaarada.

Iyadoo bilihii iyo todobaadadii lasoo dhaafay xukuumada wayaanuhu ay siidaysay kumanaan maxaabiis ah oo ku xidh xidhnaa meelo kala duwan ayay dhulka lagumaysto ee Ogadenia ku xidh xidhan yihiin kumanaan maxbuus oo kooxda dad cunka ah ee Jigjiga fadhida ay si sharci daro ah u haystaan.

Taliska guud ee wayaanaha oo balan qaaday in uu wadanka Itoobiya kasiidayn doono maxaabiis badan ayaan wali hal qof ah kasiidaynin wadanka Ogadenia, taas oo umuuqata in uu badbaadinayo oo kaliya dadka dulman ee Itoobiyaanka ah.

Sida aan lawada socono qaar kamid ah maxaabiistii ree Ogadenia ee Jeel-ogaadeen kujiray ayay kooxda Jigjiga biloway in ay kushaqaysato kuno qodato beero, taas oo sharuucda caalamigu aysan ogolayn, waxaana hubaal ah in maxaabiista lagu shaqaysanayo ay kujireen xabsi koodii hore kasii daran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay