Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa sheegaya in dagaaladii Oromada iyo Soomaalida udhaxeeyay ay mar kale dib usoo cusbaanaadeen kadib mudo waan waan laga dhex waday dadka walaalaha ah ee halkaas wada daga.

Sida xogta aan kuhelayno dagaal aan waxba la isu reebanin ayaa maalin nimadii shalay oo Sabti ahayd kabilowday deegaano hoos yimaada Dagmada Jinicsani ee Gobolka Faafan, dagaalkan oo mudo socday ayaa lasheegayaa in ay kudhinteen dad badan oo labada dhinac ah halka dhaawucuna uu tiro beelay.

Dagaalkan ayaa lasheegayaa in uu bilowday kadib markii maleeshiyaadka ay Tigreegu sameeyeen ee Soomaalida iyoOromada ah ay ayaamihii lasoo dhaafay wadeen dilal ay u gaysanayaan dadka shacabka ah ee Oromada iyo Soomaalida ah, kuwaas oo halkaas kuwada nool.

Maleeshiyaadkan oo ah kuwo gumaysigu uu isu carbiyay ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu soo weeraray, waxaana lasheegayaa in dagaalkii shalay uu keenay dhimasho badan oo labada dhinac ah.

Dagaalkan kadhacay Jinicsani ayaa daba socda dagaaladii hore ee kasocday xuduuda Ogadenia iyo Oromia, kuwaas oo ay kudhinteen boqolaal shacab iyo maleeshiyaad isugu jira, sidoo kale waxaa dagaaladaas ku baaba’ay hanti aad ubadan oo labada shacab ay lahaayeen.

Sida aan lawada soconay waxaa dagaaladan hurintooda iyo holcintoodaba lahaa kooxda TPLF o maslaxadeeda u arkaysay in ay dagaalamaan qoomiyaadka ay gumaystaan, waxayna qoomiyadu isku dirtay dhowr qoomiyadood oo dadka lagumaysto ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay