Midowga Yurub (EU) ayaa ka digay in xiisadda dibloomaasiyeed ee dalalka Khaliijka ay carqalad ku tahay dadaallada nabadeed ee dalka Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee EU u qaabilsan Geeska Afrika, Alexander Rondos ayaa sheegay in xiisada khaliijka ka taagan ay cawaaqib xun oo toos ah ku yeelatay dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika, ayna kasii dartay xiisadii markii horeba dalka ka jirtay.

Xiisaddan ayaa sii xumaatay markii ay iska hor yimaadeen dalalka Soomaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo ah dal yar oo isku dayaya inuu saameyntiisa geeyo meelo ka baxsan dalka Yemen, oo ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda.

“Mid ka mid ah hadafyada ugu muhiimsan ee EU ayaa ah in la xaqiijiyo in Bariga Afrika laga ilaaliyo xiisad goboleedka siyaasadeed ee Khaliijka” ayuu yidhi Alexander Rondos.

“Xiisadda dalalka gacanka iyo isbaheysiga ay la sameysteen madaxda Bariga Afrika, waxay kharibi kartaa dhammaan dadaalladii laga waday Soomaaliya” ayuu yiri Rondos.

“Ma dooneyno wax sii xumeeya dadaallada aan ka wadno Soomaaliya” ayuu sii raaciyey Rondos.

Imaaraadka Carabta ayaa ku guuleystay inuu iska horkeeno dowladda dhexe iyo maamullada dalka, kuwaas oo Imaaraadka taageeraya, kana helaya dhaqaale badan.

Xigasho

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay