Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in kooxda Hawaarinta ee dhaaraanka u ah gumaysiga Itoobiya ay gaadhi si xun ugu jiidh siiyeen wiil shacab ah tuulada Janoole oo wax yar u jirta xarunta gobolka Doollo ee Magaalada war dheer.

Wiilkan ay kooxda hawaarintu gaadhiga jiidh siisay ayaa waxaa magaciisa naloo sheegay  Axmed Cabdulaahi Cun Cun kooxda damiirka aan lahayn ayaa waxay laban laabeen xasuuqii iyo dhibkii ay ku hayeen shacabka Ogaadeniya.

Dhanka kale shacabka Ogaadeniya oo awalba geesi ahaa ayaa waxay bilaabeen inay kooxdan dad cunka ah iska celiyaan waxaana meelo badan oo kamida dhulka Ogaadeniya ka socda kacdoono lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya iyo Kooxda dabadhilifka u ah.

Maahan markii ugu horaysay ee kooxda hawaarinta ay wiil shacab ah sidan arxan darada ah u dilaan waase mid kamida xasuuqa iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Ogaadeniya ee aan is difaaci karin.

ONA/Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay