Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in habeennimadii xalay lakhaarajiyay nin jaajuus u ahaa kooxda wakhtigeedii dhamaaday ee TPLF, kaas oo sida lasheegay kooxda howlo uga waday Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno rag kuhubaysan qoryaha darandooriga udhaca ayaa rasaas kufuray Getinet Alajow oo kumagacownaa madax xafiiseedka hormarinta reer miyiga isla markaana ahaa gacan yare u adeega kooxda TPLF ee mar gacanta kuhayn jirtay talada wadanka gumaysiga Itoobiya.

Getinet Alajow ayaa lasheegay in dhowr jeer oo hore looga digay arimaha jaajuusnimada ah ee uu faraha kula jiro waxaana lasheegayaa in dilkiisa laqorsheegay kadib markuu kadhaga adaygay digniinihii uga imaanayay dadka shacabka ah ee kudhaqan Gobolka Axmaarada.

Majiro cid sheegatay dilka jaajuuskan u adeegi jiray kooxda TPLF isla markaana majiro cid looqabtay falkan lagu dilay jaajuuskan oo udhashay qoomiyada Axmaarada isla markaana adeege u ahaa saraakiisha qoomiyada Tigreega.

Dhinaca kale wararka aan kahelayno xuduuda Oromada iyo Canfarta ayaa sheegaya in uu sii xoogaystay dagaalkii udhaxeeyay labada qoomiyadood, waxaana lasoo warinayaa dhimasho iyo dhaawac badan oo dagaalku uu keenay. Sidoo kale waxaa lasheegayaa in barakac aad uxoogan uu dagaalku dhaliyay.

Dagaalkan udhaxeeya qoomiyadaha Oromada iyo Canfarta oo mataano la ah kuwa udhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, Oromada iyo Shucuubta Koonfureed, Axmaarada iyo Gambella, Axmaarada iyo Tigreega ayaa dhamaantood larumaysan yahayin taliska wayaanuhu uu dabada kariixayo si uu uyareeyo culayska siyaasadeed ee saaran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay