Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ee Woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas uu soo gaadhay siyaasiga udhashay qawmiyadaTigreega ee lagu magacaabo Sayuum Masfin.

Sida xogtan aan ku helayno Sayuum Masfin oo mudo Gobolka iyo guud ahaan dalkaba ka maqnaa ayaa markii ugu horaysay shalay lagu arkay magaalada Maqale isagoo meel fagaare ah kula hadlaya kumanaan dad ah oo udhashay qoomiyada Tigreega.

Masfin ayaa shacabka Tigreega dhagahooda maqashiiyay erayo calaacal iyo cabasho ah oo aysan waligii kamaqal, wuxuuna khudbadiisii ku bilaabay kuna dhameeyay eed sheegasho iyo waliba calaacal aan horay loogu aqoon jirin xiliyadii uu calankiisu kacsanaa.

Masfin ayaa yidhi dagaal dhinaca maskaxda ah ayaa nalagu soo qaaday waana kaguulaysan doonaa, hadalkaas oo laga dhadhaminayay in siyaasad ahaan looga adkaaday kooxdii TPLF ama guud ahaan qabiilka tirada yar ee Tigreega, wuxuuna intaas daba dhigay in ay noolyihiin oo ay guulaysan doonaan.

Sayuum Masfin oo in badan ahaan jiray Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya ayaa mudo saxada siyaasada kamaqnaa waxaana baalasha karifay maamulkii uu hogaaminayay Kaligii Taliye Malis Zanaawi oo isaga seedi u ahaa.

Siyaasiyiinta iyo shacabka qawmiyada Tigreega oo mar isu haystay in ay iyagu Itoobiya leeyihiin ayaa hada umuuqda kuwo tartiib tartiib khadka uga sii baxaya, waxaana saxada kasaaray maamulka cusub ee Oromada ah ee talada wadanka lawareegay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay