Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka da’aya xiligan gu’ga iyo fatahaadda webiga Shabeelle ay go’doomiyeen tobannaan tuulo oo ku yaalla gobolkaaasi.

Roobabkan iyo fatahaadahan iswata ayaa baabii’yay dalagii beeraha ee la filayay inay xiligan soo go’aan. Boqolaal qoys ayaa guryahooda ka barakacay iyagoo isugu tagay meelaha taaga ah si ay uga nabad galaan fatahaadda webiga.

Dadka ku nool tuulooyinkan oo awalba ku tiirsanaa beeraha ayaa sanadkii hore uun markii ay dhamaatay fatahaaddii abuurtay dalagyo ay kamid yihiin sisinta, galayda iyo digirta, hayeeshee hadda oo ay joogaan xilligii ay goosan lahaayeen ayaa waxa curtay roobabkii gu’ga oo sanadkan biyo badan keenay iyo webiga oo soo fatahay kuwaas oo qaaday dalagyadii u soo go’i lahaa. Qoysas badan ayay fatahaadu barakicisay.

Roobabka dabaylaha wata, daadadka soo rogmanaya iyo fatahaadaha webiyada ee guud ahaan Soomaaliya ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux, xoolo badan oo le’day, iyo guryo dumay. Sidoo kale waxa jira bur bur soo gaadhay kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa jirta cabsi isa soo taraysa oo ku aadan in ay ka dhashaan cudurada faafa gaar ahaan malaariyada iyo shubanka meelaha ay fatahaaduhu ka dhacday.

Dad lagu qiyaasay 794,761 qof ayay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha gobolada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ku yaala iyadoo 231,335 ay si kumeel gaahdh ah u barakceen sida ay sheegayso hay’adda qoxootiga ee Qaramada Midoobey.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyay inay dhinteen 21 qof; 9 ku dhimatay Hirshabeelle; 4 Jubaland ku dhimatay; iyo 8 ku dhimatay gobolka Banaadir.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay