Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana gobolka shiniile ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay kala baxeen xalay habeenimo dhalin yaro badan dagmada Erar ee gobolka Shiniile.

Dhalinyaradan ayaa waxaa loo qaaday xabsi ciidanka woyaanaha ay ku lee yihiin isla magaalada Erar kooxda hawaarinta ee dhaaraanka u ah gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ka wadaan gobolka shiniile iyo guud ahaan ba dhulka Ogaadeniya xasuuq isugu jira dil dhac kufsi iyo boobka hantida shacabka aan is difaaci karin.

Hadaba waxaa nasoo gaadhay qaar kamida magac yada dhalin yaradii xabsiga loo ta baxay waxaana kamid ah

Abdi Geele.
Xasan Fadxi.
Muraad
Diiriye Shucayb.
Kaltun Geele.
Muna Ali.
Shucayb xaga.

Shacabka Ogaadeniya ee ku dhaqan gobolada Ogaadeniya ayaa waxay wadaan kacdoon balaadhan oo ay kaga so hor jeedaan gumaysiga Itoobiya iyo kooxda wakiilka uga ah woyaanaha xasuuqa iyo bahdilka shacabka.

ONA/Shiniile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay