Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in maalin nimadii shalay oo Isniin ahayd xabsiga laga siidaayay gudoomiyihiin Jabhada Ginbot 7 oo mudo 5 sano kudhaw kuxidhnaa magaalada Addis Ababa.

Sida xogta aan kuhelayno Indergachew Sige ayaa lagu wareejiyay safaarada wadanka Ingiriiska ee wadanka Itoobiya, taas oo lagu wado in ay udhoofiso wadanka Ingiriiska oo uu dhalashadiisa haysto.

Indergachew Sige ayay sirdoonka wayaanuhu kasoo afduubeen wadanka Yemen, halkaas oo howlo shaqo uu ujoogay, wuxuuna mudo 4 sano kabadan ku xidhnaa magaalada Addis Ababa, halkaas oo sida lasheegay uu dhib badan kumutay.

Siidaynta Gudoomiyihii Jabhada Ginbot 7 waxaa siwayn usoo dhaweeyay dowlada Ingiriiska oo uu dhalasho kahaysto iyo waliba ururada bulshada ee Itoobiya, sidoo kale waxaa siidaynta gudoomiyaha soo dhaweeyay Jabhadii uu katirsanaa ee Ginbot 7.

Hogaamiyaha Jabhada Ginbot 7 ee xoriyadiisii helay ayaa kamid noqonaya kumanaan Itoobiyaan ah oo xabsiyada laga siidaayay tan iyo intii ay dhaceen kacdoonadii shacabka ee burburiyay xukuumadii hore ee wayaanaha, waxaana lasheegayaa in qaar kale lasiidayn doono.

Dhinaca kale wadanka lagumaysto ee Ogaadeeniya ayaa wali lagu hayaa kumanaan shacab ah oo qaarkood ay tobonaan sano halkaas kuxidhnaayeen, waxayna arintaasu muujinaysaa sida ay labo wadan ukala yihiin Ogaadeeniya iyo Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay