Wararka naga soo gaadhaya magaalada Samara ee xarunta Gobolka Canfarta ayaa sheegaya kacdoono cusub oo ka qarxay guud ahaan Dagmooyinka iyo Gobolada uu deegaanka Canfartu kakooban yahay.

Sida xogta aan kuhelayno kumanaan qof oo shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Samara ee caasimada Canfarta, waxaana lasheegayaa in dadwaynuhu ay xidheen wadooyinka waawayn ee magaalada iyo waliba wadooyinka gala xafiisyada Gumaysiga iyo kuwa u adeega ee magaalada kuyaala.

Warka ayaa intaas kudaraya in dadwaynuhu ay kacabanayaan cadaalad darada uu Gobolkooda kuhayo taliska wayaanuhu, waxayna kacdoon wadayaashu sheegeen in qoomiyada Canfarta siwayn loogacan bidixeeyay isla markaana aan laga hirgalinin isbadalada kajira Itoobiya inteeda kale.

Hogaanka kacdoon wadayaasha oo war fidiyeenka lahadlay ayaa sheegay in dhulka Canfarta aan laga siidaynin maxaabiistii sida sharci darada ahayd looqabsaday, halka Gobolada Oromada iyo Axmaarada laga siidaayay kumanaan maxbuus oo xubno caan ah ay kujiraan.

Dhinaca kale ciidanka wayaanaha iyo kuwa u adeega ee dhulka Canfarta ayaa qaqabtay boqolaal kamid ah dadkii mudaharaadayaasha ahaa, kuwaas oo lagu biiriyay kuwii horaan u xidh xidhnaa ee laga cabanayay.

Taliska cusub ee wayaanaha ayaa mudadii uu jiray siidaayay maxaabiis ahaad ubadan oo Itoobiyaan ah isagoo iska iloobay kuwa mudada dheer lagu dhibaataynayo dhulka uu gumaysto ee Ogaadeeniya iyo Canfarta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay