Wararka naga soo gaadhaya Koonfurta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo cul culus oo dhex maray qoomiyadaha Guji iyo Kore oo halkaas wada daga isla markaana wadaaga xuduud aad udheer iyo dhaqanba.

Sida xogta aan kuhelayno dagaaladan ugu dambeeyay ee labada qoomiyadood dhex maray ayaa dhaliyay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh, waxaana lasheegayaa baro kac aad ubadan oo kadhacay deegaanada lagu dagaalamay.

Dagaalada u dhexeeyay labada qoomiyadood ee Guji iyo Kore oo soo noqnoqday ayaa lasheegayaa in ay kadambeeyaan saraakiisha ciidanka wayaanaha ee deegaankaas, kuwaas oo dano balaadhan ay ugu jiraan dagaalada qabaa’ilka waxayna saraakiishu kuguulaysteen in ay huriyaan colaad dhiig badani uu kudaatay.

Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in ay cunto joojin sameeyeen maxaabiistii ku xidhnayd xabsiga wayn ee Kilibo, kuwaas oo sida lasheegayo kacabanaya dilka, Jidh-dilka, Fufsiga iyo bahdilka lagu hayo maxaabiista mudada dheer kujirtay xabsigaas.

Dhinaca kale waxaa maanta gurigiisii gaadhay Indergachew Sige oo ahaa hogaamiyihii Jabhada Ginbot 7 oo mudo kujiray xabsi kuyaala magaalada Addis Ababa, kaas oo sida lasheegay uu siidayntiisa fududeeyay raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiye Axmed.

Indergachew Sige ayaa kamid noqonaya kumanaan qof oo xabsiyada Itoobiya si sharci daro ahaa ugu xidhnaa, kuwaas oo lasiidaayay kadib kacdoonkii shacab ee kadhacay wadanka Gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay