Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada dhagax buur ee xarunta gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay dad shacab ah ku xidh xidheen dagmada Araarso oo kamida gobolka Jarar.

Hadaba waxaa nasoo gaadhay qaar kamida magacyada dadka shacabka ah waxaana kamid ahaa Fahiima Cabdinasir, Siyaad Ciise iyo Yusra aanaan helin magaceeda oo sadexan.

Ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka dhaaraanka u ah ayaa waxay sii laban laabeen xidhaygii ay ku hayeen dadka shacabka ah ee soomaalida Ogaadeniya waxaana ilaa todobadii lasoo dhaafay sare u kacay xidhayga, dilka iyo dhaca lagu hayo dadka shacabka ah.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay