Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in Raysal-wasaaraha cusub ee Gumaysigu uu qaaday talaabadii ugu xumayd tan iyo intii uu qabtay xilka Raysal-wasaare nimo ee wadanka Gumaysiga.

Sida xogta aan kuhelayno Raysal-wasaaraha Gumaysiga Itoobiya ayaa xil sare umagacaabay haweenaydii qalin shubatada ahayd ee shacabka ree Itoobiya ay aadka unecbaayeen, ee lagu magacaabi jiray Azeb Masfin, taas oo udhaxday Kaligii Taliyihii hore ee Gumaysiga Malis Zinaawi.

Azeb Masfin oo mar ahayd shakhsiga ugu awooda badan guud ahaan wadanka Itoobiya ayaa larumaysan yahay in ay hantidii umada kutagri fashay kadib bakhtigii Malis Zinaawi, xiligaas oo ay noqotay hogaamiyaha ruuxiga ah ee wadanka.

Azeb Masfin ayaa si ay hantida umada uboobto samaysatay NGO qandaraasyo waawayn qaata kaas oo noqday kambaniga ugu wayn ee wadanka, waxaana larumaysan yahay in ay Azeb kasamaysay hanti aad ubadan oo hada taala dibada wadanka.

Sikastaba ha ahaatee Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya oo ah shakhsi kuqasban maamulka EPRDF/TPLF ayaa Azeb Masfin umagacaabay xil ay dadwaynuhu kasaseen isla markaana dhaawacay sumcadii laga filayay in uu yeelan doono Abiye Axmed. R/wasaaraha Itoobiya.

Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in Raysal-wasaaraha wayaanuhu uu Azeb Masfin umagacaabay xubin sare oo gudiga doorashooyinka wadanka ah, taas oo dad faro badani aysan filaynin.

Kumanaan shacab iyo siyaasiyiin isugu jira oo filayay in Raysal-wasaaruhu uu cadaalada uhiilin doono isla markaana uu meesha kasaari doono shakhsiyaadkii hantida umada boobay dhiiga shacabkana kufaraxashay ayaa muujiyay niyad jab wayn waxayna ogaadeen in maamulka meesha kajira uuyahay kii EPRDF ee madhalayska ahaa uun.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay