Xog ay soo uruurisay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in roobabkii todobaadkan da’ayay ay Itoobiya iyo Ogadenia ba kudileen dad aad ubadan, hanti farabadana ay ku baaba’day.

Sida xogta aan kuhelay waxaa guud ahaan wadanka Itoobiya kudhintay 7m qof oo shacab ah, waxaana lasheegayaa in 47 qof oo dadkaas kamid ah ay kudhinteen wadanka lagumaysto ee Ogadenia, kaas oo ah wadan uu gumaysigu lahadhay.

Warka ayaa intaas kudaraya in roobabka duufaanka watay ee todobaadadan da’ayay ay kubarakaceen in kabadan 200 oo kun oo qof oo shacabka Soomaalida Ogadenia ah, kuwaas oo sida laxaqiijiyay aan helin wax gurmad ah oo xukuumada gumaysiga kasoo gaadhay iyo gurmad hay’adeed toona.

Wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa inkabadan 10 sano cunaqabataysan, waxaana wadanka laga mabnuucay guud ahaan hay’adaha deeqaha bixiya iyo saxaafada xorta ah, wuxuuna wadanka kujira guri madow.

Dadka kudhaqan Ogaadeeniya ayaa ah kuwo ku caydhoobay abaarihii waawaynaa ee laga soo gudbay, waxayna shacabka Soomaalida Ogaadeeniya intooda badan noqdeen kuwo kusugan tuulooyinka halkaas oo aysan jirin cid kucaawisa.

Dhinaca kale guud ahaa shacabka kuhoos nool gumaysiga ayaa qaba dhibka shacabka Soomaalida Ogaadeeniya oo kale, mana jiro wax kahor tag ah ama kadaba tag ah oo udiyaarsan xukuumada gumaysiga marka ay dhacaan masiibooyinku.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay