War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dowlada Maraykanku ay soo dhawaynayso xayiraada ay xukuumada wayaanuhu kaqaaday qaar kamid ah warbaahinta madaxa banaan ee taliska wayaanuhu uu xayiraada kusoo rogay.

Hadalka kasoo yeedhay dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay in uu Maraykanku soo dhawaynayo xayiraada laga qaaday Talafeeshinka ESAT oo ku hadli jiray afka Axmaariga iyo TV-ga OMN oo afka Oromada ku hadli jiray kuwaas oo laga mabnuucay in laga daawado gudaha wadanka Gumaysiga.

Sidoo kale dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso xayiraada laga qaaday hogaamiyaha Jabhada Ginbot 7 ee wayaanaha ladagaalanta Pro. Birhanu Nega iyo ninka udooda xuquuqda dadka Oromada ah ee Jowhar Maxamed.

Hadal kasoo yeedhay xukuumada wayaanaha ayaa lagu sheegay in liiska argagixisada laga saaray labada ideecadood ee ESAT iyo OMN, iyo waliba labada shakhsi ee sida wayn looga taageersan yahay gudaha wadanka gumaysiga Itoobiya.

Hase yeeshee hay’adaha xuquuqul insaanka udooda ayaa iyagu sheegay in talaabada uu taliska wayaanuhu qaaday aysan badh iyo waax toona kagaadhaynin xuquuqda dadwaynaha ee lagu tumanayo, waxayna hay’aduhu taliska kacodsadeen uu uu wadanka kaqaado xayiraada dhinaca warbaahinta ah iyo waliba xayiraada lasaaray shakhsiyaadka xukuumada dhaliila.

Iskusoo wada duub oo dhaqanka xukuumada wayaanaha ee soo jireenka ah ayaa dhigaya in lacabudhiyo warbaahinta isla markaana lacadaadiyo dadka aan taageersanayn gumaysiga wadanka kajira, lamana rajaynayo in uu dhaqankaasu noqdo mid suulay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay