Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in khal khal wayn uu kajiro laamaha Booliiska gumaysiga Itoobiya gaar ahaan kuwa looyaqaano Booliiska Fadaraalka.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda isku wada in ay talada wadanka qabsato ee Oromada ah (OPDO) ayaa go’aan satay in ay waxbadan kabadalaan maamulkii ay kooxdii Tigreegu sameeyeen (TPLF) kaas oo sida lasheegay awood badan ku dhex lahaa hogaanka Booliiska Fadaraalka.

Warka ayaa intaas kudaraya in Raysal-wasaaraha cusub ee Gumaysigu uu xooga saaray sidii uu hogaanka Booliiska Fadaraalka ugu wareejin lahaa xubno ay isku hayb iyoisku siyaasadba yihiin, wuxuuna bilaabay ol-ole uu xilalkii sar sare ee Booliiska Fadaraalka kukala badalayo.

General Girma Kabada oo u dhashay qoomiyada Tigreega isla markaana ahaa shakhsiga ay kago’do talada Booliiska Fadaraalka ayaa lasheegayaa in xilkii laga xayuubiyay isla markaana lagu badalay nin u dhashay qoomiyada Oromada oo lagu magacaabo Malag Kufanta.

Sidoo kale waxaa xilkiisii waayay sargaal sare oo Booliiska Fadaraalka ahaa oo lagu magacaabo Asafa Abiye waxaana lagu badalay nin ay isku hayb yihiin Raysal-wasaaraha Itoobiya oo lagu magacaabo Yaret Dilahum.

Sidoo kale waxaa xilka qaadis lagu sameeyay ninkii dambi baadhista hee Faradaal kumagacownaa oo Tasfaye lagu magacaabo waxaana xilkaas loodhiibay nin Xabashi ah oo gamid ah gacan yare yaasha Abiye Axmed oo Takale lagu magacaabo.

Sidoo kale waxaa xilkii laga xayuubiyay agaasimihii madaxtooyada Itoobiya, kaas oo mudo 20 sano kabadan xilkaas ku magacownaa wuxuuna Abiye Axmed si lamid ah sidii ay Tigreegu yeeli jireen xilkaas ugu dhiibay nin kasoo jeeda qoomiyada Oromada.

Isku soo wada duub oo kacdoonkii shacabka Itoobiya ee lafilayay in uu isbadal keeno ayaa noqday kud kaguur oo qanje uguue, waxaana la isku badalay TPLF iyo OPDO oo kaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay