Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada Goday ee xarunta gobolka shabeele ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka dhaaraanka u ah ee hawaarinta ay dad shacab ah ku xidh xidheen magaalada qalaafe.

Dadka shacabka ah ee la xidh xidhay ayaa waxaa  nasoo gaadhay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ah Haadi Cismaan & Siyaad oo aanaan haynin magaciisa oo sadexan dadka shacabka ah oo tiradooda intaas ka bad nayd ayaa waxaan noo suurto galin inaan helo magac yadooda oo dhan.

Ciidamada dhaaraanka u ah kuwa gumaysiga ee hawaarinta loo yaqaano ayaa waxay wadaan wakhtiyadii ugu danbaysay dil, xadhig, dhac iyo kufsi ay ku hayaan dad shacabka ah ee aan is difaaci karin.

Waxaan dib idiin ka soo gudbin doonaa wixii kasoo kordha hadii eebe raali ka noqdo.

ONA/Goday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay