Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu wakhti xaadirkan ladaalaa dhacayo sicir barar siyaasadeed oo baryahan dambe sida wabigii usoo fatahay.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa baryihii lasoo dhaafay aad mashquul u ahaa xafiiska Raysal-wasaare kusheega Itoobiya Abiye Axmed, kaas oo sida lasheegayo xal u la mowjado siyaasadeed oo kajira gudaha ciidamada wayaanaha iyo hay’adaha xukuma.

Warka ayaa intaas kudaraya in Abiye Axmed uu xal u la’yahay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay saraakiisha sar sare ee ciidanka wayaanaha iyo saraakiil hoosaadka ciidanka, kuwaas oo aad usugu maan dhaafsan howlaha ciidanka iyo hab usocodka guud ee wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Saraakiil hoosaadka ciidanka wayaanaha oo baryahan hor dhoobnaa xafiiska Raysal-wasaaraha ayaa lasheegayaa in ay hogaanka ciidamada ku eedeeyeen musuq maasuq iyo eex aad ubaaxad wayn, sidoo kale waxay saraakiil hoosaadku aad uga cawdeen xuquuq la’aan sanado badan ciidanku ay qabeen.

Dhinaca kale hogaanka sare ee ciidamada wayaanaha ayaa saraakiil hoosaadka ku eedeeyay amar diido iyo in ay qalalaaso ka dhex abuurayaan gudaha ciidamada, sidoo kale hogaanka ciidanka ayaa sheegay in cabashada saraakiil hoosaadku ay tahay waxba kama jiraan.

Isku soo wada duub oo Raysal-wasaaraha cusub ee Gumaysiga Itoobiya ayaa u maaro la xalinta hay’ada wadanka ugu muhiimsan oo ciidamada ah, taas oo kooxdii TPLF tu ay kala daadiyeen kana dhigeen gole musuq maasuq.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay