Hay’ada xuquuqul Aadanaha Amnesty International ayaa ugu baaqday gumaysiga Itoobiya in deg deg lookala diro kooxda hawaarinta ee dhaaraanka u ah ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Hay’adda ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in kooxda Hawaarinta ee u adeegta gumaysiga Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia.

“Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyuu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty”.

“Waa in aan loo ogolaan askartan in sida ay doonaan ay dadka ugula dhaqmaan si arxan daro ah ayaa intaa lagu daray”.

Kooxdan ayaa waxay xasuuq iyo dhibaato xoog badan oo tan kasii daran ku hayaan dadka shacabka ah ee soomaalida Ogaadeniya waxayna shacabka u gaysteen dil, dhac, kufsi iyo xadhig aan xad lahayn.

Amnesty International ayaa sidoo kale ugu baaqday gumaysiga Itoobiya in ay dhaqangaliso talooyiinkii aftidii 2004 taasi oo loo codeeyay in si cad loo calaamadiyo xuduuda u dhaxeeya Oramada iyo soomaalida si loo xaliyo gundhiga waxyaabaha dhaliyay xiisadda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay