Ra’iisul wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa shaqadii laga eryay kadib markii ay codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka Spain.

Hogaamiyaha xisbiga hantiwadaaga Pedro Sanchez oo baarlamaanka geeyay mooshin ka dhan ah ra’iisal wasaaraha kuna eedeeyay musuqmaasuq ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Spain.

“Waxaan bilaabaynaa bog cusub oo ah taariiqda dimuqraadiyada dalkeena.”ayuu yiri Sánchez.

Mr Rajoy ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee taariiqda cusub ee dalka Spain kaasoo ka waaya codka kalsoonida baarlamaanka dalkiisa.

Hogaamiyaha xisbiga muxaafadka Mr Rajoy ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Spain tan iyo sanadkii 2011.

Mr Rajoy ayaa maalintii labaad ee ay xildhibaanada baarlamaanka Spain ka doodayeen mooshinka laga geeyay waxa uu aqbalay in uu xilka ka dego.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay