Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in shacabka wadankaas kudhaqan ay gabi ahaanba iska diideen in ay xusaan maalinta ay qoomiyada Tigreegu kunaalooto ee lagu magacaabo Ginbot 20.

Maalintan oo guud ahaan wadanka Gumaysiga siwayn looga xusi jiray ayaa sanadkan laga xusay Gobolo aad ukooban oo ladhacsan fikirkii cunsuriga ahaa ee kooxda TPLF, waxaana xuska munaasabadan hoos udhigay taliska cusub ee wayaanaha oo aan isagu kasoo jeedin qoomiyada lagu amaano xafladaha Ginbot 20.

Sida xogta aan kuhelayno saraakiisha Tigreega ee talada wadanka laga sii faro maroojinayo ayaa go’aan-saday in ay xafladan meelaha qaar kuqabtaan waxayna dhalinta wadanka ubalan qaadeen lacogo ay siinayaan shakhsi kasta oo xafladan kasoo qayb gala, waxayna dhalinyaro 800 ah isugu geeyeen magaalada Adwa ee Gobolka Tigree, halkaas oo dhalinta lagu hunguri galiyay lacago habeen dhax ah.

Wax yar kadib qabashadii xafladii Adawa waxaa madasha kabilowday dagaal xoogan oo faraha ay isula tageen ciidanka wayaanaha iyo dhalintii xaflada kasoo qayb gashay, waxaana lasheegayaa in dhalintii xaflad kusheegta lageeyay loogaystay jidh-dil iyo xidhay aad ubadan.

Dagaalkan dhex maray dhalinta iyo ciidanka wayaanaha ayaa yimid kadib markii maamule yaashii xafladu ay dhalinta kuwar galiyeen in ay iska kala dareeraan, wax dhaqaale ah oo loohayana uusan jirin, taas oo keentay in ay dhalintu kagadoodaan.

Xaflad kusheegtan Tigreega lagu amaano ee Ginbot 20 ayaa 27 sano oo xidhiidh ah si wayn looga xusi jiray guud ahaan wadanka Gumaysiga Itoobiya, wuxuuna sanadkan noqday kii ugu liitay ee xaflada Ginbot 20 laga xuso wadanka, waxaana lasheegayaa in Gobolada iyo Dagmooyinka aaban laga ogayn xaflada.

Wadanka gacanta Gumaysiga kujira ee Ogaadeeniya oo si balaadhan looga xusi jiray xaflada Tigreega lagu amaano ayaan sanadkan laga soo hadal qaadin marka laga reebo magaalada Jigjiga oo gacan yare yaasha Tigreegu ay isugu keeneen woxoogaa shaqaalahooda ah.

Isku soo wada duub oo heerka liita ee ay gaadhay xafladii Ginbot 20 ayaa tilmaan u ah halka ay qoomiyada Tigreegu marayso iyo bahdilka agu sameeyay saraakiishii damaca waalaan jiray ee TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay