Gole ku sheega wasiirada gumaysiga Itoobiya ayaa maanta ansixiyay sharci ogolaanaya in la qaado xaaladda dag daga ah ee wadanka saarneyd tan iyo bishii Febraayo ee sannadkan.

Bandowgani ayaa ka danbeeyay kadib bilooyin ay dalkaasi ka dhacayeen mudaaharaado balaadhan oo ruxay gobollo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo looga soo horjeeday gumaysiga Itoobiya.

Tallaabadani uu gumaysigu ku qaadeyo xaalada deg dega ah ee saarneyd dhamaan shucuubaha ku hoos nool xukuumada Woyaanaha ayaa noqoneysa isbadalki ugu weynaa ee uu Ra’isulwasaaraha cusub ee gumaysigu la yimaado.

Abiy Ahmed ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu Itoobiya ka sameeyo isbadallo siyaasadeed waxaan se la ogayn sida uu u wajihi doono shucuubaha kala duwan ee xoriyad doonka ah kuwaasi oo u dagaalamaya xoriyadooda.

Xukuumada Woyaanaha ayaa waxay mudooyinkii ugu danbeeyay oo dhan la daalaa dhacaysay kacdoono xoog badan oo lagaga soo horjeedo nidaamka gumaysiga ah ee woyaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay