Wararka naga soo gaadhaya magaalada Samara ee xarunta Gobolka Canfarta ayaa sheegaya in si aan caadi ahayn ay usii xoogaysteen kacdoonadii shacabka ee lagu diidanaa gumaysiga iyo cawaantiisa.

Sida xogta aan kuhelayno isu soobaxyo aad uwaawayn ayaa maalin nimadii shalay kabilowday Dagmooyinka iyo Gobolada uu kakooban yahay dhulka Canfartu, kuwaas oo todobaadkii aan kasoo gudubnay kabilowday magaalada Samara ee xarunta u ah Gobolka Canfarta.

Dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah ayaa sheegay in qoomiyada Canfartu ay noqotay mida ugu liidata marka laga hadlayo xuquuqdii ay kulahaayeen xukuumada Gumaysiga, waxayna kacdoon wadayaashu sheegeen in koox yar oo gumaysiga ushaqaysa ay wadanka kanooshahay.

Dhinaca kale kacdoon wadayaasha Canfarta ayaa saraakiisha Tigreega ee ciidamada maamula ku eedeeyay in ay Gobolka Canfarta ku hayaan boob hantiyeed iyo mid dhuleedba, waxayna kacdoon wadayaashu keeneen cadaymo muujinaya dhibka laga gaystay dhulka Canfarta.

Dhinaca kale waxaa kacdoono shacab oo waawayn laga soo sheegaya Gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya, halkaas oo sida lasheegayo ay shacabku kujiraan diyaar garoow aad ubalaadhan oo sharaftoodii iyo karaamadii ay lahaayeen ee ladhunsaday ay kusoo celinayaan.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Gobolka Gambella ayaa sheegay in mudo 3 bilood ah aysan shaqaalahoodu qaadanin wax mushaar ah, waxaana lasheegayaa in maamul kusheega Gobolku uu si cad ulunsaday lacagaha mushaaraadka ah.

Isku soo wadaduub oo wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa lagu tilmaamay mid siwayn cagta usaaray wadadii burburka isla markaana isu haysta qoomiyad qoomiyad iyo Gobol Gobol.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay