Dowladda Maraykanka ayaa shalay is-hortaagtay qaraar ay dowladda Kuwait u gudbisay golaha amniga ee Qaramada Midoobay (QM) kaasi oo lagu dalbanayay in lagu bad-baadiyo shacabka Falastiin ee xasuuqa iyo gumaadka aan kala joogsiga lahayn ay ku hayso Yuhuudu.

Sidoo kale qaraar uu Maraykanku isna golaha horkeenay oo Xamaas lagu eedeynayo rabshadihii dhawaan dhacay ayaa isna la diiday oo dhamaan wadamada xubnaha ka aha Golaha Amaanku ay gaashaanka ku dhufteen.

Dawlada Maraykanka ayaa si badheedh ay uga soo horjeedsatay in wax laga qabto dhibaatada haysata shacabka Falastiin. Maraykanka oo si joogta ah u daageera Israa’iil ayaa hor istaagay go’aamo badan oo ku saabsan sidii loo baajin lahaa ama wax looga qaban lahaa xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay