Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee dhulka Axmaarada ayaa sheegaya in halkaas siwayn loogu soo dhaweeyay mid kamid ah dadkii Gobolka magaca kulahaa oo xabsiga kasoo baxay.

Sida xogta aan kuhelayno Malag Fanta oo ahaan jiray wasiirka Canshuuraha wadanka Gumaysiga ayaa magaalada Gonder si wayn loogu soo dhaweeyay, kadib markii laga siidaayay xabsi uu mudo kujiray.

Malag Fanta ayaa xabsiga ladhigay kadib markuu taageeray kacdoonkii Shacabka ee kasocday dhulka Axmaarada, kaas oo gabagabadii sababay in ay dhacdo xukuumadii uu hogaanka u ahaa ninkii maqaar saarka ahaa ee Hailemariam Desaleng.

Dadka shacabka ah ee qoomiyada Axmaarada oo aan u aabo yeelin xukunka dag daga ah ee wadanka saaran ayaa lasheegayaa in ay si xoogan isugu soo baxeen, iyagoo soodhawayn umuujinayay siyaasiga qoomiyada Axmaarada u dhashay ee kasoo baxay xabsigii uu mudada kuxidhnaa.

Xabsiyada wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa indhawaalaba laga siidaynayay kumanaan maxbuus oo dad siyaasiyiin ahna ay kujiraa, kuwaas oo taliskii hore ee wayaanuhu uu xabsiyada ku abaal mariyay.

Dhinaca kale waxaa wali xabsiyadii kujira kumanaan dulmane oo kuxidhnaa wadanka lagumaysto ee Ogaadeeniya, waxaana xusid mudan in taliska cusub ee Itoobiya uusan kahadlin maxaabiista Ogaadeeniya ku xidh xidhan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay