Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana xarunta dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan in gumaysigu woyaanuhu uu markale ka huriyay dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka Oromada iyo kuwa Soomaalida dagaalkaas oo u gaystay khasaaro labada dhinacba ah.

Sida wararku sheegayaan dagaaladan ayaa waxay ka socdaan meelaha kala ah Jinacsani, Dabaylwayne, Daarimi, iyo SheekhMadaw dagaalada noocan ah ayaa waxaa dabada ka riixaya sirdoonka woyaanaha ayagoo ujeed koodu uu yahay inay iska hor keenaan dadka shacabka ah ee soomaalida Ogaadeniya.

Dhaawaca maleeshiyaadkan ayaa waxaa loo kala qaaday Nazirat iyo Jig jiga waxaana wali socda dagaalka sida naloo xaqiiyay.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu uga danlee yahay dagaalada noocan ah ee soo laab laabta inuu iskaga khafiifiyo culayska siyaasadeed ee saaran kaasoo ah kacdoonka ay wadaan shacabka qoomiyadaha kala duwan ah ee ku hoos nool xukuumada gabalkeedu dhacay ee woyaanaha.

Dib ayaan idin kala socod siin doonaa wixii warar ah ee kasoo kordha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay