Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya kacdoon shacab oo aad ubalaadhan oo halkaas kabilowday, waxaana lasoo tabinayaa in ay fooda isdareen ciidanka wayaanaha iyo dadkii shacabka ahaa ee mudaharaadka waday.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoonka shacabka ayaa yimid kadib markii ciidanka dhaqanka xun ee wayaanuhu ay subixii hore ee shalay kuwaabariisteen xaafada Hanamariam, halkaas oo sida lasheegay ay burburiyeen guryo aad ubadan oo dadka shacabka ah ay lahaayeen.

Warka ayaa intaas kudaraya in kumanaan kamid ah dadkii shacabka ahaa ee xaafada daganaa ay siwayn uga soo horjeed sadeen dhaqanka guracan ee ciidanka wayaanaha iyo burburinta hantidooda, waxaana lasheegayaa in ay dhagaxtuur kala hortageen ciidanka cadawga.

Goob jooge kusugan xaafada Hanamariam ayaa warbaahinta usheegay in ay xaafada kaqaxeen ugu yaraan 10 kun oo qof oo dadkii shacabka ahaa ee guryahooda ladumiyay ah, wuxuuna goob jooguhu sheegay in ay dadkan ahaayeen dad danyar ah oo aan heli karin hoyi iyo cuno midna.

Sidoo kale ciidanka wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay xabsuga dhigeen dad aad ubadan oo shacab ah oo kamid ah dadkii mudaharaadayay, waxaana lasheegayaa in ay jiraan dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Sanadkii 2015kii ayay ahayd markii mowjado dad ah ay magaalada Addis Ababa kakaceen kadib markii xukuumada wayaanuhu ay sheegtay in ay balaadhinayso magaalada, waxayna kacdoonadii kufidii guud ahaan wadanka iyagoo ugu dambaystiiay shacabku kuguulaysteen in ay ridaan xukuumadii gumaysiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay