Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Magaalada jig jiga ee xarunta gobolka Faafan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kooxaha dhaaraanka u ah ee fadhigoodu yahay magaalada Jig jiga ay ku xidh xidheen dhalin yaro badan magaalada.

Dhalin yaradan ayaa sida naloo sheegay waxay isugu jireen kuwa shacab ah iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha horjooga yaasha jig jiga waxaana nasoo gaadhay qaarkamida magac yadooda  waxaana kamid ah,
Axmed Bashir Buurane
Mahdi Axmed Ismaaciil
Siciid Mohamed Keenadiid
Mohamed Cabdulahi Carab (Dalal)
Mohamed ismaaciil Ibraahim oo ah agaasime ku sheega xafiiska gaadiidka iyo Mohamud xusen Macalin (Bisle) oo asna ah shaqaalaha Xafiiska caafimaadka.

Gumaysiga Itoobiya iyo kooxdiisa uu ku adeegto ayaa waxay laban laabeen xidhaygii bahdilkii iyo dhibaatadii ay ku hayeen dadka shacabka ah waxaana marba marka kasii danbaysa kasii daraysa xaalada nololeed iyo cabsi galin ee shacabka Soomaalida Ogaadeniya.

Waxaan dib idiin kasoo gudbin doonaa wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay