Muddo ku dhow 30 sanadood Soomaaliya waxey aheyd mid tabardaran, kala qeybsan oo argagixiso iyo budhcad badeed ay halis ku hayeen ammaanka guud ee gobolka Geeska Africa.

Beesha Caalamka, oo uu Mareykanka ku jiro iyo Midowga Africa oo kumanaan ciidamo ah ay ka joogaan Soomaaliya, ayaa isku dayayay inay kobciyaan awoodda dowladda Soomaaliya, si looga hortago in mar kale ay Soomaaliya ku noqoto godkii mugdiga ahaa ee ay ka soo baxday ama ay gacanta u gasho kooxda argagixisada ee Al-Shabaab .

Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga ayaa Soomaaliya u fidiyay taageero, laakiin khilaafka muddada sanadka ah u dhaxeeya awoodahaas Bariga Dhexe ayaa haatan halis weyn ku haya Soomaaliya, waxaana laga digayaa inay burburiyaan guulaha ilaa iyo iminka laga gaadhay soo kabashada Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay kooxda Xasaradaha ee Caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo la yirahdo ICG.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay