Heshiishka Itoobiya ku Dhawaaqday: Maxaa Keenay, Saameeyn Ma Ku Leeyahay Gobolka Geeska Afrika, Somalidu Xagey Kaga Jirtaa?

6th June 2018

Hordhac
5 June 2018 Xisbiga EPRDF ee xukuma Itoobiya wuxuu ku dhawaaqay inuu si buuxda u aqbalay oo ay hirgelinayo heshiiskii nabadda (Algiers Agreement 12 Dec 2000), ee lagu af-jarayay dagaalkii xuduudda ee Itoobiya ay ku qaaday Ereteriya intii u dhaxeysay May 1998 – June 2000. Hadalkan ayaa imanaya kadib 6,384 maalmood (17 sano, 5 bilood, 24 maalmood) ooy Itoobiya diidaneyd inay u hogaansanto heshiishka nabadda.

Itoobiya waxa kale ooy ogolaatay natiijadii ka soo baxday gudigii loo saaray calaamadaynta xuduudda labada wadan ee muranku ka taagnaa isku hayay laga soo bilaabo 2002. Gudigaasi ayaa Ereteriya u calaamadeeyey deegaano ay ka mid tahay Badme oo ah halka uu dagaalku ka bilowday.

Hadaba su’aalaha la isweydiinayo ayaa waxaa kamid ah: maxaa maanta keenay inuu heshiish dhexmaro Itoobiya & Eretriya? maxaa jira ama socda oodan ogeyn? malaga yaabaa in wax-yaabo aan la finaynin soo socdaan? Soomaalida (Ogadenya, Jamhuuriya Soomaaliya, Jabuuti) xagey kaga jiraan aarimahaa saameeyn ma ku leeyihiin ama ma u keeni karaan?

Heshiishku kuma iman si sahlan ee waxaa keenay waxyaabo badan, sida:
1. Dowladda Ereteriya oo muujisay samir, iyo adkaysi iyadoo aaminsanayd inaan xoog & is-daaxuurin aan wax lagu dhici karin.
2. Itoobiya oo qarka u saran bur-bur & qalalaase siyaasad & qabiil, xaalka gudaha & xidhiidhka Itoobiya oo meel xun gaadhay & dhaqaalaha dalka oo dhulka galay.
3. Soomaalida (Ogadenya, Jamhuuriyada Soomaaliya, Jabuuti) oo ku soo noqonaysa saaxada duniga gaar ahaan Gobolka Geeska Afrika, Afrika & dunida Carabta.
4. Go’aankii sharafta lahaa ee Jabuuti & Soomaaliya ku caydhiyeen DP World & Dilaaliin kalaba, & xaalado & go’aamo aan lagu xisaabtamin oo ka dhashay xasuuqa Soomaalida ee Itoobiya ku xasuuqday gudaha Oromo (go’aanka odayaasha Jig-jiga).
5. Quwado shisheeye (Imaaraatka Carabta (DP World & Dilaaliin kalaba) Itoobiya, dowlado kale) oo ka kaluumeysanaya Gobolka Geeska Afrika, oo waliba boob & tar-tan ugu jira xoolaha & kheyraadka Soomaaliyeed.

Arimahan ayaa soo afjaraya ismari waagii ka dhaxeeyey Itoobiya iyo Ereteriya, dagaalkaasoo noqday dagaalkii ugu dhimashada badnaa Afrika ee 1998-dii. Maxaa Itoobiya ku kalifay inay ogolaato heshiiska nabadda? Yaase ku Lug leh ama keenay heshiiskan?
Dowladda Ereteriya oo muujisay samir, iyadoo aaminsanayd inaan xoog & is-daaxuurin aan wax lagu dhici Karin. Ereteriya waxay aaminsanayd inay ayadu sax tahay, xaqna u leedahay inay dalalka dariska sida Itoobiya ay aaminaan madax-banaanida Ereteriya & xuduudaheeda.

Dalka Itoobiya wuxuu ku jiraa qalalaase siyaasad & xaalad aan la saadaalin karin, wuxuu qarka u saran yahay bur-bur & xasuuq-qabiil, xaalka gudaha & xidhiidhka oo meel xun gaaray & dhaqaalaha dalka oo dhulka galay.

Daraasad aan la shaacinin waxay xaqiijisay in kadib xasuuqii Hawadaay & go’aanka Soomaalida ku joojiyeen isticmaalka Khaadka Oromada uu wadanka galiyay dhaqaale xumo & hoos u dhac qiimaha lacagta dalka, & waliba khasaare ah labo Malyan US Dollar maalin walba, arinkaa oo ku riixay kooxo badan sida kooxda QEERROO ee Oromada inay isu badalaan dhul-jiif dadka laaya oo dhaca.

Xasaradda dalka ka jirta waxaa keenay madaxda Oromada & Axmaarada xubnaha ka ah ururka EPRDF oo ahaa kuwii xasuuqayay dadkooda oo ka hor yimid TPLF, ayagoo kiciyay shacabkooda, una horseeday qalalaase siyaasadeed, xasuuq shacab (sida xasuuqii hawadaay & Balbaleyti ooy ciidamada Itoobiya ee Oromo OPDO-EPRDF ku xasuuqeen shacab Soomaali ah) & curyaamin dhaqaalaha & isu socodka dalka. Dad badan ayaase aaminsan inuu halganka ururka ONLF uu yahay kan keenay kacdoonka dadka Itoobiya.

Labadan qolo ee Oromo & Axmaaro ma ahayn kuwo ka midaysan aragtida & mustaqbalka dalka. Waxaa kale oo sabab ah ururada Oromo OLF & Axamaaro Ginbot 7 oo ku dhex milmay dadka kacdoonka waday, ahaana kuwa keenay dhiiranaanta & dhabar adayga shacabka. Oromo waxay aaminsan tahay inay ka go’do Itoobiya, halka Axmaaro aaminsan tahay Itoobiya midaysan ooy ayagu hormuud ka yihiin.

Kadib markii Abiy Axmada lagu magacaabay Raysal Wasaaraha Itoobiya (2 April 2018) wuxuu isbadal ku yimid fikirkii madaxda Oromada ee EPRDF (OPDO), waxaana arinkaa ka dambeeyay Reer Galbeedka oon wakhtigan diyaar u ahayn Itoobiya oo bur-burta & Soomaaliya oo xoogeysata, & dilaaliin Carbeed.

Abiy wuxuu sameeyay safaro dibada ah oo badan, wuxuu kulamo la yeeshay wufuud Carbeed & China, wuxuuna nuxurku ahaa sidii dalka loo badbaadin lahaa ayaguna uga faa-iideysan lahaayeen.

Kadib go’aankii Jabuuti & Soomaaliya ee DP world lagu caydhiyay waxaa dhacay safarro & kulamo dhex maray madax Itoobiya & Carabta gaar ahaan Imaaraatka & Sacuudiga, & oo kordhiyay gar-gaarka dadka barakacay ee Oromada, halka aan waxba loo qaban Shacabka Soomaalida Ogadenya ee Oromadu soo barakicisay (Xeryaha Dire dhabe & Qoloji) ku sugan ee aadka u tabaalaysan.

16 May 2018 waxay Itoobiya u dirtay Jigjiga Wasiirka Xidhiidhka Arrimaha Dawlada federaalka Axmed Shide oo ah Soomaali, kuna hadla afka Oromada, waana shakhsigii Itoobiya u sixiixay heshiiskii Berbera ee sadex geesoodka ahaa (Itoobiya, Imaaraatka & Somaliland).

Axmed Shide wuxuu halkaa geeyay fariimo ka yimid Abiy Axmad, waxaana dhici kara inuu arinkan kamid yahay waxyaabaha uu ula tagay Ree Tolkii (Soomaalida Ogdenya) & Cabdi Ileey oo la aaminsan yahay in asaga & madaxda Tigray lug ku leeyihiin ama dilaal ka haayeen heshiisyada dhex maray Imaaraatka & Soomaalida (Puntland & Somaliland) xaqoodana qaateen!!

Sadex casho ka hor waxay Itoobiya sheegtay hiigsigeeda ah dhisidda ciidamada badda, ayadoon ognahay inayna lahayn bad. Hadaba halka fadhiisinka (saldhigga ama aagga ay ka howgali doonaan) u noqon karta ciidankeeda Badda ayaa ah Ereteriya (Casab ama Musawac), Jabuuti ama Soomaaliya (Berbera, Boosaaso, Marka ama Kismaayo).

Shaki kumu jiro inay ka howlgalayaan biyahaya sadexdaa wadan mid uun, waxayse su’aashu tahay sharci ahaan & amaan ahaan sida wadamadaasu ku heshiin karaan?

Guntii & Gunaanadkii
Waxaa xaqiiqa ah in isbadal kasta oo Itoobiya saameeya uu ka yimaado Bariga (Suudaan & Ereteriya & Waqooyiga (Soomaalida).

Shaki kuma jiro in isbaddalka ka bilowday Itoobiya ama ka bilowday aanu noqon doonin sida dad badan umalaynaan, waxaa soo bixi doona waxyaabo badan oon wakhtiga xaadirka la ogeyn, waxaana kamid ah waxa Itoobiya ku khasbay in si lama filaan & shuruud la’aan ah ay ku aqbashay hesiish noocan oo kale ah.

Waxaa iska cad inay Carabtu (Imaaraadku) hadalka sidan ugu dhigeen madaxda Oromada ee xukuma Itoobiya “waxaad tihiin wadan aan bad lahayn, dakadaha Geeska Afrika anaga ayaa dhisi oo maalgalin, iska hilmaama Soomaali & jabuuti, dhankan Casab ayaan idiin heynaa, Ereteriya waanu ogoleysiin heshiis, ee xaqul qalam qaata oo ogolaada arinkaanaga (nooga heeliya Soomaali & Jabuuti), qolyo Soomaali ah oo wax kharibaad u taaganna gacan ayaan ku heynaa, saaxiibkiin Cabdi Ileey adeegsada” ama wax lamid ah.

Xaalka Tigray ayaa ah “Dagitaanba ka fudud” inaan la heshiino Ereteriya waaban ku taameynay duceysane Carabow “shukran”. Lama oga inay Axmaaro biyo cantuugsan tahay & inkale ama wax u qarsoon yahay waana shaki ay qabaan Ereteriyaanku!

Lama garanayo inay Axmaaro ku qanacday go’aanka EPRDF, Oromo waa dameeri dhaan raacday, marka lama filayo inay dan ka leeyhiin Ereteriya, waxayse rabaan dekadaha waqooyiga Soomaaliya inay helaan. Tigray & Ereteriya dan ayaa ugu jirta, waliba nabad dhexmarta labada shacab, waxaana laga yaabaa inuu horseedo hadafka TPLF Manifesto February 1976 “The Republic of Greater Tigray”. Soomaalida Ogadenya qorme kale ayaan ku soo qaadan doonnaa hadduu Allah idmo.

Mar hadduu xaal sidaa yahay, waxaa haboon in Soomaalida oo ah dulmanayaal ku hoos dulman Itoobiya ay fahmaan xaal siduu yahay, dhanka ay wax u socdaan, ayna u diyaar garooobaan waxa xiga “ qayrkaa la tartan”. Dad badan ayaa aaminsan in isbadalka maanta ee Itoobiya uu ka khatar badan yahay kuwii hore sababta oo ah waxa loo tartamayo ama lagu heshiinayo ayaa ah kheyraadka, shidaalka iyo xoolaha  Soomaalida Ofdenya marka xaalku waa “khayr wax kuma yeelee shar u toog hay”.

Sidaa darted isbadalkan xuxuu u baahan yahay ama laga faa-iideysan karaa deganaansho & isku tashi Soomaaliyeed, hogaan wanaagsan, taxadar & daraasad cilmiyeysan. Suudaan & Ereteriya ayaa aguna mid taa lamid ah u baahan.

W/Q: Hure Jeefad

Qoraa Madax Banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.