Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya walwal hor leh oo saraakiisha TPLF iyo qoomiyada Tigreegaba lasoo darsay kadib hadalkii kasoo yeedhay xukuumada cusub ee wayaanaha, oo ahaa in shirkadaha waawayn ee wadanka laga dhigi doono kuwo gaar looleeyahay.

Sida xogta aan kuhelayno saraakiishii Tigreega ee ku halaaqay hantida umada ee 27dii sano ee lasoo dhaafay u afduubnayd kooxda TPLF, taas oo taliska cusub ee wayaanuhu uu sheegay in uu kucelin doono gacanta shacabkii xaqa ulahaa ee mudada dheer xooga lagaga haystay.

Saraakiisha Tigreega ayaa lasheegayaa in ay arintanu saamayn wayn kuyeelanayso waxaana laxaqiijiyay in ay meesha kabixi doonaan shirkado magaca dowlada kushaqayn jiray oo saraakiil gaar ah oo Tigree ah ay lahaayeen, kuwaas oo kahoos shaqayn jiray shirkadaha waawayn ee wadanka sida Isgaadhsiinta iyo dayuuradaha.

Sidoo kale saraakiisha Tigreega ayaa kacabsi qaba in dib looxisaabtamo islamarkaana uu taliska cusub ee wayaanuhu kashaqaysiiyo laamaha cadaalada, taas oo ah waxaan maamuladii Itoobiya soo maray looga baranin, waxayna saraakiisha Tigreegu bilaabeen in ay wadanka kabaxaan hadayba fursad helaan.

Taliska wayaanaha oo inta badan aan balan qaadyadiisa kadhabaynin ayaa kudhawaaqay in uu shir balaadhan siindoono dadka shacabka ah ee doonaya in ay lacago kudarsadaan shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Dayuuradaha oo ahaa kuwo ay xukuumada wayaanuhu gacanta kuhayso.

Dhinaca kale Raysal-wasaare kusheega wayaanaha ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo in kabadan 30 qof oo maamulka Bangiga dhexe ee Itoobiya ah, kuwaas oo sida uu sheegay Account yadooda labaadhi doono si loo ogaado dhaqaalaha ay haystaan ee dalka iyo dibadaba yaala, waxaana dadka labaadhayo kamid noqon doona gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Itoobiya Isayas Bahire.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay