Raysal-wasaare kusheega Itoobiya Abiye Axmed oo warbaahinta afka wayaanaha ku hadasha lahadlayay ayaa qirtay in wadanka Itoobiya uu yahay midka ugu musuq maasuqa badan dunida oo dhan, isagoo sheegay in wadanku uu gaadhay heer aan waxba laga qaban karin.

Abiye Axmed oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay arimaha wadanka hada kataagan aan wax laga qabanin ay xaaladu faraha kasii bixi doonto, ayna adkaandoonto in uu dunida kasii jiro wadan Itoobiya layidhaahdo oo Africa kamid ah.

Abiye Axmed ayaa sheegay in dastuurka wadanka Itoobiya aan waligiiba laga shaqaysiinin taasuna ay keentay in qofkasta uu dookhiisa socdo, waana arinta wadanka sumcadiisa dhulka kuriday ayuu yidhi Raysal-wasaare kusheega Itoobiya oo warbaahintooda lahadlayay.

Abiye Axmed Raysal-wasaaraha Gumaysiga oo maalin nimadii shalay si adag u hadlay ayaa sheegay in wadanka Itoobiya ay caadi kanoqotay qof neef geel ah xadaya oo aan hadana dhuumanaynin oo shafka taagaya, taas oo sida lasheegay uu ula jeeday saraakiishii Tigreega (TPLF) ee sida muuqata dhaqaalaha shacabka iyo midka wadankaba u lunsanayay.

Sidoo kale Abiye ayaa sheegay in waraaqo been abuur ah lagu dhacay hantidii dadwaynaha, isagoo xusay in guryo iyo dhul ay dad leeyihiin lagaga dhacay waraaqo been abuur ah oo xafiisyo waawayn kasoo baxay, taas oo uu kusheegay faldambiyeed xukuumadihii hore ay kudhaqmi jireen.

Abiye ayaa soo hadal qaaday go’aankii xukuumadiisa ee ahaa in wadanka Eritrea loo celiyo dhulkii xooga lagaga haystay, wuxuuna sheegay in wadanka Eritrea uu kurabo nabad iyo kalsooni, taas oo aad uga cadhaysiisay qoomiyada Tigreega oo uyadu dhulkan sheegan jirtay.

Xukuumadihii kala duwanaa ee wadanka gumaysiga Itoobiya soomaray ayaa caan ku ahaa cadaalad daro, waxaana maali iyo habeenba dhacaysay in qof aan dambi lahayn lagu xidhi xabsi dheer dambiilihiina uu ahaado qof laxushmeeyo, taas oo ah musuq maasuq gaamuray.

Hadalkan kasoo yeedhay Abiye ayaa umuuqda mid loogu fuqfuq goynayay kooxdii TPLF ee mudada dheer wadanka si aan sharci ahayn kumaamulaysay taas oo lagu badalay kooxda kale ee OPDO ee unasab sheegata qoomiyada Oromada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay