Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada jig jiga ee xarunta gobolka Faafan ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad Oromo ah ay weerar kusoo qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa tuulada Jinacsani oo wax yar u jirta magaalada Jig jiga.

Sida dad goob joogayaal ah ay u xaqiijiyeen wakaalada wararka Ogaadeniya ONA waxaa la dilay 5 qof oo shacab ah halka 7 kale na dhaawac soo gaadhay, dadkan dhaawacmay ayaa waxaa la keenay magaaada jig jiga si loogu dabiibo.

Dagaalada u dhaxeeya Maleeshiyaadka Oromada iyo Soomaalida ayaa soo cusboonaaday waxayna ka socdaan meelo ay kamid tahay Jinacsani waxaa kale oo intaas dheer in maleeshiyaadka Oromada ay beegsan hayaan dad shacab ah oo qayb ka ahayn dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan u dhaxeeya Maleeshiyaadka Oromada iyo Soomaalida ayaa waxaa dabada ka riixaysa kooxda TPLF waxaana horay u dhacay dagaalo labada dhinac ah oo aad loogu hol caday kaasoo ay ka danbeeyeen gumaysiga Itoobiya.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay