Ra’isul wasaare ku sheega gumaysiga Itoobiya Abiyi Axmed ayaa gaadhay magalada Kambala ee xarunta dalka Uganda, safarkan oo ahaa mid aan la shaacin ayaa wuxuu la kulmay Madaxwaynaha Uganda Yuweri Musaveni.

Yuweri Musaveni ayaa si hordhac ah uga hadlay xiriirka labada dal, Howlgalada ay ciidamada labada wadan ka wadaan Somalia, Amaanka gobolka iyo iyo taageero siinta ciidamada Somalia waa sida uu hadalka udhigaye.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa galay gudaha Somalia 2006 dii xiligaas oo ay wadanka xukumeen maxkamidihii Islaamiga ahaa, waxayna si xooga ku qabsadeen qaybo badan oo kamida dhulka Soomaaliya.

Abiyi Axmed, ayaa Yuweri Musaveni kala hadli doona qorshaha uu gumaysiga Itoobiya ku dooneyo dhismaha ciidamada Badda, waxa uuna ujeedku yahay in arrintaasi ay kala shaqeeyan si dowlada Somalia iyo wadamada kale ee xeebaha leh ay Maraakiibtaasi uga shaqeeyan.

Abiyi Axmed oo aan horay loosii shaacin safarkiisa ayaa qaadanaya muddo laba cisho ah, waxayna labada mas’uul ka wada hadli doonaan sida loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu ugu jiraa olole xoog badan riyadii Menelik ee ay ahayd qabsashada xeebaha soomaaliya ayadoo la filaayo dhawaan inay Itoobiya yeelato ciidamo bad ayadoon lahayn wax bad ah.

Guud ahaanba shacabka soomaaliyeed ayaa waxay aad isha ugu hayaan ciidamada bada ee gumaysiga Itoobiya samaysan hayo ayagoo ka cabsi qaba inay Itoobiya wada damaceedii fogaa ee qabsashada xeebaha soomaaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay