Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya isusoobax rabshado wata oo maanta halkaas kadhacay, kaas oo sida lasheegay lagu diidanaa dhibaatooyin loogaystay dadka shacabka ah ee Xabashida.

Sida xogta aan kuhelay dadwayne aad utiro badan ayaa maalin nimadii shalay oo Sabti ahayd isugu soo baxay afaafka hore ee Jaamacada Bahardar, halkaas oo sida lasheegay ay dadwaynuhu kabilaabeen mudaharaad markii dambe rabshado waawayn ay kadhaceen dad badana ay wax kunoqdeen.

Dadwaynaha Xabashida ee dibad baxa isugu yimid ayaa lasheegayaa in ay kacabanayeen dadka qoomiyada Axmaarada udhashay ee dhawaan laga soo baro kiciyay Gobolka qoomiyada Binshangul, baro kicintaas oo sida lasheegay xukuumada wayaanuhu ay lug wayn kulahayd.

Dibad baxayaasha ayaa warfidiyeenka usheegay in maleeshiyaad ay xukuumada wayaanuhu taageerto oo qoomiyada Binshangul udhashay ay soobaro kiciyeen dadka shacabka ah ee Axmaarada udhashay, waxayna dibad baxayaashu sheegeen in dadka lasoo baro kiciyay lasoo bililiqaystay.

Goob jooge kusugan magaalada Bahardar ayaa warbaahinta usheegay in ciidanka amaanku ay xabsiyada dhigeen boqolaal dad ah oo shacab ah, halka dad kale oo aad ubadana ay jidh-dil kala duwan ugaysteen.

Dhinaca kale waxaa magaalada Bahardar lagaga dhawaaqay urur cusub oo lagu magacaabo NMA, kaas oo sida lasheegay utaagnaan doona danaha umada Axmaarada oo gacan adag oo gumaysi kujirta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay