Saraakiil Dhalinyaro Soomaali ah ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga, halkaasoo muddo ku baranayeen casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamada leeyihiin.

Dhalinyarada Soomaalida oo gaaray 63 sarkaal ayaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada, waxaana ay tababar la qaadanayeen Saraakiil ka socotay NATO, saraakiil ka socday Afrika iyo Aasiya.

G/lle Maxamed Tahliil ayaa ka warbixiyay tababarka ay ku soo qaateen Turkiga, isagoo xusay in la barayay kuliyadda ciidanimada, isagoo xusay in illaa 36 dowladood saraakiil ka socota ay tababaro la qaadanayeen.

Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa markii loo soo gaba gabeeyay Tababarka waxaa la siiyay billado iyo abaal marino ay ku mutaysteen dhabar adeeggii ay muujiyeen mudadii uu tababarku u socday.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana xilligan uu ka qeyb qaadanayaa dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka, iyadoo Xero Milateri uu ku leeyahay Muqdisho ku tababarayo ciidamo Soomaali ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay