Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Gedio ee koonfurta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya isku dhacyo qabiil oo mudo soo jiitamayay kaas oo sida lasheegayo mar kale dib u qarxay.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa Gobolka Gedio isku fara saaray laba qoomiyadood oo halkaas wada daga kuwaas oo sanadihii lasoo dhaafayba uu kadhaxeeyay dagaal dhiig badan uu kudaatay isla markaana uu bara-kac aad u baaxad wayn kadhashay.

Gobolka Gedio oo dhaca xuduuda Oromia iyo shucuubta Koonfureed ayaa ah mid ay gacan kuhayntiisa kuloolamayaan qoomiyadaha Guji iyo Gedio, kuwaas oo sida larumaysan yahay xukuumada Itoobiya ay dagaal kooda kadambayso si culayska dhinaca shacabka uga imaanaya uu u yaraado.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee kadhashay dagaalka waxaase larumaysan yahay in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, kufsi iyo bara-kac aad uxoogan oo labada qoomiyadoodba soo gaadhay, waxaana lasheegayaa in uu wali dagaalku siisocdo.

Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in weerar bambaano lagu qaaday jaamacada Dila Universaty ee Gobolka Gedio halkaas oo ay kunafwaayeen arday aad ubadan qaar kalana ay kudhaawacmeen, mana jiro cid looqabtay falkan ardayda lagu laayay.

Dagaalada qoomiyadaha ayaa wadanka Itoobiya kanoqday kuwo soolaalaabta, waxaana sanadkan iyo sanadkii tagay dagaalada qabiilka kudhintay kumanaan shacab ah, halka bara-kucuna uu gaadhay meel sare.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay