Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigrey ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya kacdoono waawayn oo ay shacabka Tigreegu kaga soo horjeedaan Go’aankii ay xukuumada Itoobiya kugaadhay in ay wareejiso dhulkii ay Eritrea horaan uga qabsadeen.

Sida xogta aan kuhelayno kumanaan shacab ah oo udhashay qoomiyada Tigreega ayaa maalin nimadii shalay oo Isniin ahayd isugu soo baxay badhtamaha magaalada Badime oo kamid ah dhulka ay xukuumada gumaysiga Itoobiya go’aamisay in lagu wareejiyo dadkii iska lahaa.

Dibad baxayaasha Tigreega ah oo shucuur aad uwayn muujinayay ayaa kudhawaaqayay erayo kadhan ah hogaanka cusub ee wadanka Itoobiya, kaas oo qoomiyada Tigreegu ay ku eedayso in uu kaxagliyo tan iyo markii uu qabtay xafiiska wadanka looga taliyo.

Mudaharaada yaasha Tigreega ah ayaa sheegay in ay geeri kaxigaan dhulka lasheegay in lagu wareejinayo wadanka Eritrea, kaas oo qoomiyada Tigreegu ay sheegato in ay iyadu leedahay, balse xukuumada Gumaysiga Itoobiya ay sheegtay in si khalad ah ay kaga qabsadeen wadanka Eritrea.

Dhinaca kale waxaa halkoodii kasii socda xilka qaadistii iyo laxisaabtankii saraakiishii TPLF, waxayna xukuumada Gumaysigu sheegtay in musuq maasuq baahsan lagu helay gudoomiyaha shirkada Diyaaradaha ee Itoobiya Tawalde Gebre Mariam, kaas oo 2 bari kahor laga diiday waraaqdiisii is casilaada si baadhitaan loogu sameeyo.

Sidoo kale waxaa wali magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey kasii socda shirkii kooxda TPLF, kaas oo markii hore lasheegay in uu 2 bari socon doono, balse lasheegay in howluhu ay dib ka cuslaadeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay