Dowlada Sacuudiga ayaa xaqiijisay in sadex qof ay ku dhinteen gantaal ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen kusoo tuureen gobalka Jizan ee dalkaasi Sacuudiga. Afhayeenka Isbaheysiga Sacuudiga Turki al-Malki ayaa xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi habeenimadii Sabtida ahayd ee lasoo dhaafay.

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jirta xulafada dalalka uu hogaaminayo Sacuudiga ee sheegay inay taageerayaan dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa illaa iyo hada ku guuleysan inuu wiiqiyo awooda kooxda Xuuthiyiinta oo weli gacanta ku haya gobalada waqooyiga Yemen ee xuduuda laleh Sacuudiga iyo waliba caasimada Sanca.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay