Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Wasaaraada Arimaha Dibada ee Maraykanka ayaa muwaadiniinta maraykanka loogaga digay inay usafarka dhulka Ogadeniya iyo qaybo kamida gobolka Oromada.

Warkan oo lasoo dhigay boga Wasaarada ayaa lagu sheegay inaan loo safri karin gobolka Ogadeniya iyo gobolka bariga hararge ee Oromia. Wasaaradda ayaa sheegtay in gobolka Ogaden kajiro kacdoon shacab, qalalaase siyaasadeed, miinooyin Dhulka lagu aasay iyo waliba cabsi argagixiso, waa markii koobaad ee wadanka Ogadeniya lagu sheego cabsi argagixisonimo.

Digniintan Maraykanka kasoo yeedhay ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee uu in dhawaalaba kaga hadlo xasarada gobolka Ogaden ee nus qarniga socotay. Beesha caalamka ayaan waxba ka qabanin dhibaatooyinka joogtada ah ee ka jirta Ogaadeenya.

Shacabka Soomaalida Ogadeniya oo boqolaal sano lasoo daala dhacayay gumaysi ladirir ayaad mooda in hadana aragagixiso iyo waxaan falkiisa la aqoon lagu dhaxbeerayo taasoo uu ka dambeeyo Gumaysiga Itoobiya ee wakhtigiisu gabaabsiga yahay.

Ugu danbayntii xaalada Gumaystaha Itoobiya ayaa faraha kasii baxaysa kadib markii Amarkii deg Deg ahaa laga qaaday waxaana si xawli ah ku socda kacdoonkii shacabka Soomaalida Ogadeniya iyo guud ahaanba Shucuubta ku hoos dulman taliska Gumaysiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay