Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kulmay dalka Singapore, kaddibna is-gacan qaaday. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee labada hoggaamiye yeeshaan.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay Singapore, gaar ahaa jaziirad yar, waxaana wadahadalkooda ay diirada ku saarayaan inay xal ka gaadhaan colaadda muddo dheer jirtay ee labada dal ka dhaxeysa.

Hoggaamiye Kim ayaa yiri “Waan ku faraxsannahay inaan Mr Madaxweyne kula kulmo”

Madaxweyne Trump ayaa isaguna yiri ” Si weyn ayaan u dareemayaa, waxaan yeellanaynaa dood weyn waxayna noqon doontaa mid guul weyn ku dhammaata. Sharaf ayay ii tahay, waxaanan yeellan doonaan xidhiidh fiican, taasna shaki kama qabo”

Kim ayaa isaguna ku jawaabay ” Ma fududeyn in halkan aan soo gaadhno. Waxaa jiray caqabado, laakiin waan ka soo gudubnay si aan kulankan u yeellano”

Trump iyo Kim ayaa yeellanaya kulan fool-ka fool ah oo labadooda oo kali ah, iyagoo ay ku wehelin doonaan laba turjubaan, waxaana goor dambe kulankooda ku soo biiri doonaa saraakiil labada dhinac ka tirsan, iyagoo si wadajir ah u wada qadeyn doona.

Labada dhinac haddii ay heshiis diblomaasiyaadeed gaadhaan, waxay taasi wax ka baddali doontaa amniga Waqooyi Bari Aasiya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay